Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Gaari ay saarnaayeen ciidamo oo lagu qarxiyay Degmada Dharkiinley

Wararka aan ka helayno Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan gaari noociisa uu yahay Kaarib oo ay saarnaayeen ciidamo Nabad Suggida ka tirsan in lagu qarxiyay Degmadaasi.

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu maraayay inta u dhaxeysa Dabakaayo Madoow iyo Dabakaayo Cagaar, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaal Macaani ee Degmada Dharkiinley.

Waxaa la sheegaya qaraxa ka dhashay baabuurkaasi oo aanan la ogeyn inuu ahaa mid lagu xiray baabuurka iyo mid dhulka yaalay inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidankii saarnaa iyo dad shacab ah.

Hal askari oo ka mid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga qarxay ayaa geeriyooday, halka sidoo kale ay geeriyootay gabar yar oo wadada mareysay sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya gaar ahaan kuwa Nabad Suggida.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed oo durba meesha soo gaaray.

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, iyadoo ficilada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Shabaab ay geysanayaan ay sii kordhayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300