Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Diyaarado dagaal oo duqeeyay kolonyo gaadiid Shabaab ay wateen Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay, ayaa waxa ay beegsadeen kolonyo gaadiid ay wateen Shabaab.

Gaadiidka ay wateen Shabaab ee diyaaradaha ay duqeeyeen ayaa la sheegay inay ahaayeen booyadaha biyaha lagu dhaamiyo, waxaana  la sheegay booyadahan inay ka baxeen Degmada Ceelcadde, ayna u sii socdeen deeganada howdka ah ee ciidamada jabhadaha Shabaab ay ku jiraan.

Taliyaha ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo Cabaas Ibraahin Gurey, ayaa u xaqiijiyay Dhacdo.com duqeynta ay fuliyeen diyaadaraha dagaalka ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahiyo khasaaraha.

Wuxuu sheegay Taliye Cabaas Gurey duqeyntaasi inay jirto oo diyaarado dagaal ay fuliyeen, ayna beegsadeen Gaadiid Shabaab biyo u waday.

Illaa hadda ma cadda diyaaradaha fuliyay duqeyntaasi dalka laga leeyahay, inkastoo aagga Ceelcadde iyo Gobolka Gedo dhowr mar diyaarado dagaal ay duqeeyeen, kuwaasi oo laga leeyahay dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa ku sugan Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, waxaana Magaaladaasi yaalla gaadiid badan iyo ciidamo Shabaab ka tirsan oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeya Gobolka Gedo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300