Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Codka Kalsoonida iyo Raisalwasaare Kheyre

Xasan Cali Khayre; Arbacadii hore 22-Febraury; ayuu qaatay magaca Raisalwasaaraha magacaaban, kaas oo ka dhigan in uu u baahan yahay helidda kalsoonida xubnaha golaha shacabka si uu u soo dhiso xukuumad.

Dhowaan waxa uu isu diyaarinayaa in uu hortago golaha shacabka si uu I weydiisto codka kalsoonida, oo la’aantiis uusan noqoneyn raisalwasaare Idman
Si uu u billaabo shaqada dhismaha iyo dhammeystirka hay’adda fulinta, Raisalwasaare Xasan Kheyre; waxa uu u baahan yahay in uu helo 50%+1; guud ahaan tirada xubnaha golaha shacabka, taas oo ka dhigan xisaab ahaan in uu u baahan yahay in ay codkooda kalsoonida siyaan 139, xildhibaan.

Haddaba qiimeynta habka uu golaha shacabku u sameysan yahay iyo sida uu isu raacsan yahay aragti iyo siyaasad ahaan waxa ugu weyn laba qaybood oo midiba ay aragt siyaasadeed leedahay.

Middood; sida maluhu yahay haddii aanay wax isbeddelin; maalmihii tegey ee la sugayey qofka uu Madaxweyne Farmaajo; u xulanayo in uu noqdo rwasiirka kowaad; waxa ay taageeri doontaa go’aanka magacaabista raisalwasaare Kheyre, qaybtaas badankeedu waa taageerayaashii Farmaajo iyo xildhibaanada cusub oo lagayabao in ay isu arkaan isbeddel doon.

Qaybta kale oo qiyaas ahaan gaari karta 100-120, xildhibaan; waa xildhibaanadii codkooda siiyey madaxweynihii hore.; Xasan Sheekh Maxamuud, iyo tiro kooban oo u raaci karta damac siyaasadeed oo ay lahaayeen kaas oo ay ka waayeen maamulka madaxweyne Farmaajo.

Qaybtan dambe waxa loo badinayaa in ay kala jabaan, oo qaarkood ay codkooda kalsoonida siyaan Xasan Cali Khayre; sababta ugu weyn waa in Khayre kamid ahaa taageerayaasha iyo ololeeyayaashii madaxweyne Xasan SHeekh.
Mudane Khayre; Dhowr safar ayuu ku tegey goblada dalka qaarkood intii uu socday ololihii doorashadu, isaga oo u ololeynayey madaxweyne Xasan Sheekh.

Iyada oo laga faaiideysanayo isbeddelka iyo hadal haynta in madaxweyne Farmaajo sii hagaajin karo qaranimada iyo maamulka dowladda ayaa dad badan waxa ay la tahay in golaha shacabku uu si buuxda u siin doono Raisalwasaare Kheyre.
Waa ay dhici kartaa in Raisalwasaare Kheyre waayo tirada codadka 50%+1, hayeeshee taasi malaha taageerayaal badan.

Haddii uu helo codka kalsoonida golaha shacabka
Sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo; kalsooni badan ayuu ku qabaa xulashadiisa wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub uu u doortay Kheyre; sidaas awgeed haddii uu Xasan Cali Kheyre helo kalsoonida golaha shacabka; waxa laga sugayaa in uu ficil u rogo tilmaantii madaxweyne Farmaajo ee dowladnimada uu doonayo in ay dhalato, taas oo ahayd:-
Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan.
Dowlad u turta oo aan ku tuman.
Dowlad u shaqeysa oo aan ka shaqeysan.
Dowlad u roon oo aan raran”
Waxa jira aragti lagayaabo in ay dhalliilu badan tahay, taas oo ah in mudane Kheyre; uusan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed oo uu ku hoggaamiyo laanta fulinta, balse marka aan sidaas u doodno waxa aan halmaannay in Raisalwasaaruhu yahay shaqsi la magacaabay oo madax bannaan, kaas oo aan ka iman xisbi, sidaas awgeed haddii aan ka fakareyno in Raisalwasaaruhu yeesho awood buuxda, oo uu hoggaamiyo dalka, madaxweynuhuna noqdo xubi sharafeed, taas ma dhowa, waxa ayna iman kartaa kadib marka ay dhismaan xisbiyada siyaasaddu, kadibna ay kuraas kala badan ku yeeshaan Baarlamanaka.

Fursadda uu haysto Raisalwasaare Kheyre
Sida muuqata Xasan Cali Khayre; waxa uu leeyahay xiriir iyo wada-shaqeyn fiican, kaas oo kala dhexeeya shirkadaha saliidda baara, kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin arrinta muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya, sidaas awgeed kama welwelayo dhanka dhaqaalaha iyo qarashka ay ku kici doonto noloshiisa siyaasaddu.
Gacansaarka uu la leeyahay Shirkadaha Somoil & Gas iyo Spectrum ASA; iyo xiriirka muwaadinimo ee kala dhexeeye dalka Norway; waxa ay ka dhigan yihiin in uu ku dangiigo duud libaax marka laga hadlayo Siyaasadda buur ahow ama buur ku tiirsanow.

Xiriirka iyo saaxiibtinimada uu la leeyahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir; oo kaalintii uu Faarax Sheekh Cabdulqaadir ka joogay maamulkii Xasan Sheekh; ka joogi doonaa maamulka Farmaajo waxa ay ka dhigayaan mudane Khayre nin ay ku kulmaan dhammaan danaha waddamada dibaddu ay ka leeyihiin Soomaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300