Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Askari ka tirsan ciidanka Booliska oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya, ayaa xalay dilay xaaskiisa, kadib markii sida la sheegay xabad ay uga fakatay Askarigaasi oo sitay qoriga Ak-47.

Askariga xaaskiisa dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Baniiin Ibraahin, wuxuuna Degmada Waaberi waaxda October ku dilay xaaskiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa u sheegay Warbaahinta gabadha geeriyootay in lagu magacaabi jiray Iftin Cismaan Yuusuf, ayna u dhixi jirtay askari ka tirsan ciidanka Booliska Saldhiga Degmada C.casiis.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay askarigaasi, waxaana lagu wadaa si sharci ah in loo maro kiiska askarigaasi falka dilka ah u gaystay gabadha.

Saaka ayaa dadka degan xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi waxa ay hadal hayeen dhacdada ku saabsan dilka askarigaan uu u gaystay Xaaskiisa.

Ciidamada dowladda qaarkood oo habeenkii caba waxyaabaha maandooriyaha ah ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaysta dadka shacabka iyo xaasaska ay u dhaxaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300