Published On: Tue, Feb 28th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaya shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo Gurmadka Abaaraha

Shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo gurmadka abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku habsaday ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoomin doona shirkan heerka sare ee gurmadka abaaraha, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota Maamul goboleedyada, wakiilada beesha caalamka iyo hey’adaha gar-gaarka.

Shirkan oo ah mid hal maalin ah ayaa waxaa horay u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, xilli uu la kulmayay wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha Maxamed Cumar carte ayaa laga dhageysan doonaa warbixin ku saabsan xaalada abaarta

Shirkan ayaa ka dhici doono xarunta Xalane, sidoo kale waxaa la filayaa in dhaqaale badan oo loogu gurmanayo dadka Abaaraha ay saameeyeen

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro daran oo saameeyay dadka iyo xoolaha, waxaana deegaanada qaar gaajo iyo haraad ugu geeriyooday dad iyo xoolaba.

Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300