Published On: Thu, Feb 23rd, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Madax ka ahaa Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

War goor dhow ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in madaxweynaha uu si rasmi ah xilka Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ah nin dhalinyaro ah, oo ka soo shaqeeyay howlaha bani’aadanimada, sidoo kalena Ganacsade ahaa.

Qoraal Madaxweynuhu goor dhow ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu Madaxweynuhu ku shaaciyay in xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo heysta dhalashada Norway.

Magacaabistan ayaa aheyd mid lama filaan ah, waxaana ay ku soo aaday maalin kaddib markii Madaxweyne Farmaajo la caleema saaray.

Xasan Cali Kheyre waa nin ka soo jeeda Beesha Murusade/Hawiye, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka Madaxweynaha uu xilkan xushay, maadaama ay aad isugu dhowaayeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300