Published On: Tue, Feb 21st, 2017

Gudoomiyaha G/Banaadir oo Isbitaal Madiina ku booqdey dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.

Guddoomiyaha ayaa mid uga wareystay Xaaladahooda Caafimaad , waxaana intaas kadib uu u qeybiyay Lacago Shiling Soomaali ah isagona midkiiba siiyay 1 Million oo Shling Soomaali ah.

Intaas kadib Guddoomiyaha oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa u Mahad Celiyay Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina kuwaas oo kaalin wax ku ool ah ka geystay sidii dadkaasi xaaladooda Caafimaad ula tacaali lahaayeen.

Waxaana intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka kaalintii kaga aadaneed ka geysan doonto xaaladaha dadkaasi isagoo ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii dadka Xaaladdooda Caafimaad ay liidato in dalka Dibaddiisa daryeel Caafimaad loogu qaado.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300