Published On: Mon, Feb 20th, 2017

Farmaajo oo Balan qaad mar kale u sameeyey cidii soo sheegta qaraxyo la diyaariyey…

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay Bukaanadii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir ayaa si kulul uga hadlay Qaraxaasi.

Waxa uu ku sheegay Madaxweynuhu weerarkaasi in uu ahaa mid Bahalnimo ah islamarkaana loo baahan yahay in Shacabka iyo dowladduba meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mar kale xoojiyay ballan qaad uu horay u sameeyay ee ah ciddi Qarax la diyaarinayo ama meel la dhigay soo war gelisa Hay’adaha Ammaanka in dowladdu ay siin doonto lacag dhan $100,000 ( Boqol kun oo dollar).

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa la tacaaleysa weeraro maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho oo isugu jiray Dilal iyo Qaraxyo , waxaana ay u muuqdaan weeraradaasi kuwa cirka isku sii shareeraya xilli lagu guda jiro Kalaguur.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300