Published On: Mon, Feb 20th, 2017

Ciidamada Asluubta oo Muqdisho ku dabaal degey

Ciidamada asluubta oo la aasaasay sanadu markay ahayd 1970kii ayaa maanta munaasabad lagu xusaayo 47sano guuradii kasoo wareegatay xiligii la aasaasay ayaa ka dhacday Xabsiga Dhexe ee muqdisho waxaana Munaasabadaasi ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyaha Xubnaha Aqalka sare iyo Xildhibaano katirsan Xubnaha labada aqal ee aqalka Hoose iyo aqalka Sare sidoo kale waxaa ka qeyb galay Xaflada marti sharaf lagu casuumay Munaasabadaasi lagu maamuusaayay xiligii La aasaasay Ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Waxaana halkaasi salaan sharaf ku Qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaareey oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Ka qeyb gashay munaasabadaasi.
Dhanka kale waxaa qeyb ka ahaa dadka ka qeyb galay maxaabiis ku xiran xabsiga Dhexe kuwaasi oo la sheegay in Dhawaan lasii deyn doono oo mudadii lagu xukumay ay wax yar uga hartay.
Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300