Published On: Sat, Feb 18th, 2017

Yaa kasoo qeybgalaya Caleema Saarka Madaxweyne Farmaajo ?

Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoraysa Madaxda lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo)

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in uu imaan doono  Magaalada Muqdisho ,islamarkaana uu ka qeyb gali doono Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoraysa in Madaxweyne Uhuru Kentta uu kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxweyne Farmaajo , islamarkaana ay ka wada hadli doonaan wadiiqa ay kuwada shaqeyn karaan labada dal ee dariska ah.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa la sheegay in ay suurta gal tahay in uu soo dirsato wakiil , laakiin uusan asaga imaan.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa imaan doono Muqdisho oo ka qeyb gali doona Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iiuslwasaaraha dowladda Itoobiya ayaa la hadal hayaa in uu kasoo qeyb gali doono Caleema Saarka inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu soo dirsan doono wasiirkiisa arimaha dibada.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb gali doona Caleema saarka dhowr wasiiro arimo dibadeed oo ka socda dalalka Qaarada Afrika.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300