Published On: Sat, Feb 18th, 2017

Koonfur Galbeed oo xoojinaysa dagaalka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Booliiska Koofur galbeed Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ahna Taliyaha qeybta Guud ee Ciidanka booliiska gobolka Baay ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan  shaqada ay iminka ay hayaan isla markaana ay ka shaqeynayaan nabadeynta degaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa guud ahaan gobolada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada booliiska isla markaana ay kala shaqeeyaan sugida amniga degaanada Koofur galbeed.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose, Waxa ayna mararka qaar halkaasi kula dagaalamaan Ciidamada Maamulka Koofur galbeed iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deganaadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300