Published On: Sat, Feb 18th, 2017

Kenyatta oo imanaya Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu imaado Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya,waxaana la filayaa in uu ka qeyb noqdo madaxda ka qeyb geleysa Caleema saaeka Madaxweyne Farmaajo.

Mr Uhuhur,ayaa waxaa uu Khamiistii bartiisa Facebook soo dhigay in dhambaal uu gaarsiiyay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya C/Salan Hadliye Cumar,ka helay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Mr Kenyatta ma uusan sheegin waxa ku qornaa dhambaalka uu ka helay Farmaajo,waxaase xaqiiq ah in uu ka qeyb bgelaya munaasibadda Caleema saarka ee 22ka Bishan ka dhaceysa Muqdisho.

Dadka Kenya ayaa hadal haya in 5bilood gudahood booqashadii 2aad uu Uhuru ku tago Somaliya miyuu ka laaban doonaa Soomaaliya isaga oo aan la kulmin Ciidanka Kenya ee ku jira AMISOM.

Booqashadii September ayey dadka Kenya ka filayeen Kenyatta in uu Askarta niyadda u dhiso oo uu ku booqdo halka ay joogaan laakiin ma dhicin,waxaana hadda la hadal hayaa go’aanka uu qaadan karo maaddaama tii hore lagu dhaliilay.

Madaxweynah Uganda Yuweri Mosevin oo ka mid ahaa madaxdii september ka qeyb gashay Shir Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa habeen ku bixiyay booqashada Askartiisa joogta Somaliya,taas oo ay ka maseereen Shacabka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300