Published On: Fri, Feb 17th, 2017

Xasan Sheekh Maxamuud oo qorsheynaya in uu dib ula midoobo labadiisa qoys

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa wuxuu qorsheynaya in safaro dibadda ah uu ugu kala amba baxo Wadamada Tanzania & Turkiga, oo ay degan yihiin labadiisa qoys.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya marka la caleemo saaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), in Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono carruurtiisa.

Madaxweynaha doorashada looga adkaaday, ayaa dhawr bilood ka dib waxaa la fillaya in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, bacdamaa uu yahay Xildhibaan, tan iyo inta uu nool yahay.

Sida ku cad qodobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, shakhsi kasta oo dalka madaxweyne ka noqda, marka uu xafiiska shaqada ka tegaayo uu noqonayo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, mudada ka harsan noloshiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore xertiisa u sheegay in aanu dibadda ka jooggi doonin siyaasadda dalka 4-ta sano ee ina soo aadan, marka laga soo taggo safaro nasasho ahi, oo uu dib ugula midoobayo labadiisa qoys.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xubnaha Dam Jadiid uu uga digay in la mucaarado dowladda, illaa iyo inta ay si sax ahi kaga saldhiganeyso.

Xasan Sheekh oo Khamiistii banneeyay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa isaga huleelay isagoo wata gawaari aan badnayn.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300