Published On: Fri, Feb 17th, 2017

Robert Harward oo diiday in uu kaaliyaha ammaanka u noqdo Trump

Qofkii uu madaxweyne Donald Trump u doortay in uu noqdo kaaliyihiisa Ammaanka Qaranka ayaa diiday shaqadaas.
Robert Harward oo ah sarkaal hore oo ciidammada Maraykanka la soo shaqeeyay ayaa si wayn loola xiriiriyay jagadan ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay Michael Flynn Isniintii.

Sarkaal Aqalka Cad u hadlay ayaa sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed, laakiin warbaahinta Maraykanku waxay ku warrantay in uu doonayay in uu kooxdiisa keensado.

Trump ‘oo todobaadyo ka hor’ sii ogaa arrimaha Flynn
Kaaliyihii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay
Flynn ayaa marin habaabiyay madaxweynaha dalka Maraykanka Mike Pence markii uu la waadaagay macluumaadka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka.

Caqabadan ayaa soo baxaysa saacado uun ka dib markii Trump uu diiday wararka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aadan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqalka Cad, wuxuuna ku adkaystay in maamulkiisu uu si wanaagsan hawsha u kala wado

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300