Published On: Fri, Feb 17th, 2017

Puntland “Wuu sii kordhayaa Kufsiga”

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhowaanahan Degaanada Maamulka Puntland uu ka aramiyo in ay ku bateen Tacadiyada kufsiga la xiriira.

Waxa uu sheegay Tacadiyadan in ay gaareen heerkii ugu sareeyay loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa, loona baabi’in lahaa.

Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa sheegay Tacadiyada ka dhacay Maamulka Puntland in ay gaarayaan 123 kufsi. Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa carabka mariyay falal dambiyeedyadii ka dhacay Degaanada Puntland, sida falalkii shilalka ahaa ee ka dhacay Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300