Published On: Fri, Feb 17th, 2017

Madaxweynaha Khaatuma oo ka hadlay Heshiiska Somaliland

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa beeniyay in ay soo idlaadeen wada hadalada u dhaxeeya Maamulka Khaatuma iyo Somaliland, xilli shalay uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laas-caanood.

Waxa uu Madaxweynaha faah faahin dheeri ah ka bixiyay wada hadaladii dhowaan Maamulka Khaatuma iyo Somaliland kaga socnayay dalka Jabuuti, kaas oo ay ka qeyb galeen xubno labada dhinac ka socotay.

Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in aysan weli soo idlaanin wada hadalada, sidoo kalena ay been yihiin in ay soo idlaadeen wada hadalada u dhaxeeya Maamulka Khaatuma iyo Somaliland. Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay loo diiday Diyaaradii siday in ay ka degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo hubeysan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300