Published On: Thu, Feb 16th, 2017

Howlgal loogu magac daray guushii Farmaajo

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwooda ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa maalmahan waxa ay Degmadaasi iyo Degaanada hoosyimaada ka wadeen Howlgal lagu sugayo amniga.

Howlgalkan ay wadeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loogu magac daray Holwgalkii guusha Farmaajo iyo ciribtirkii Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Howlgalkan uu yahay kuwo horey uga socday Degmada Bardaale iyo Tuulooyinkeeda.  Sidoo kale Cali Cadow Isaaq Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Degaano badan in ay ku soo mareen socdaal, si ay u soo ogaadaan goobaha ay kaga sugan yihiin Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300