Published On: Thu, Feb 16th, 2017

Baaritaankii maydka Kim Jong-nam oo la soo gabogabeeyay

Waxaa la soo gabogabeeyay baaritaanka maydka Kim Jong-nam oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kim ayaa dhintay Isniintii isaga oo loo malaynayo in la sumeeyay isaga oo doonaya in uu diyaarad ka raaco magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malayshiya.
Haweenay ayaa la filayaa in ay Khamiista ka soo muuqato maxkamad, haweenay kale ayaana hadda la xiray sida ay booliisku sheegeen.

Waxaa aad loo hadal hayaa mala awaal ah in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkaas, laakiin ilaa iyo hadda lama xaqiijinin.

Malayshiya ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ninka dhintay oo ku safrayay magaca Kim Chol uu yahay Kim Jong-nam, balse Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Khamiista u dabaaldagaysa 75 guuradii ka soo wareegtay markii uu dhashay Kim Jong-il, oo ah hogaaamiyihii dhawaan dhintay oo dhalay Kim Jong-nam iyo Kim Jong-un.
Kim Jong-un ayaa la arkay Arbacadii isaga oo ka qaybqaadanaya kulan uu lahaa xisbiga talada haya
Wax codsi ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi
Taliyaha booliiska gobolka Selangor, Abdul Samah Mat ayaa BBC-da u sheegay in la dhamaystiray baaritaankii lagu hayay maydka Kim laakiin ma jirto wax muujinaya in dadka lala wadaagi doono
Gaadhi laga leeyahay safaradda Kuuriyada Waqooyi oo ka sii baxaya Isbitaal ku yaalla Kuala Lumpur ayaa la arkay ammin dambe oo Arbacadii ah. Wararka qaar ayaa Arbacadii sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay dalbatay maydka, laakiin Samah ayaa sheegay in inkastoo saraakiisha safaaraddu soo booqdeen isbitaalka haddana aysan si rasmi ah u dalbanin in maydka la bixiyo.
Wuxuu sheegay in aysan jirin sharci Malayshiya u diidaya in ay fasaxaan maydka haddii uu codsi noocaas ah uga yimaaddo Kuuriyada Waqooyi.

Haweenay ayaa maxkamadda la soo taagi doonaa
Kim ayaa la rumaysan yahay in ay weerareen labo haween ah oo wata kiimikooyin.
Muuqaal laga helay kaameerooyinka ammaanka lagula socdo ee CCTV loo yaqaano ayay baahiyeen warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Malayshiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300