Published On: Wed, Feb 15th, 2017

Xaalad degenaasho oo saaka laga soo sheegayo Deegaanada Gobolka Mudug

Waxaa xaalad degenaasho laga soo sheegayaa saaka deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug oo Saacadihii la soo dhaafay Dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidamo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo ay wehliyaan Ciidamada Maamulka Galmudug iyo dhinaca kale Al Shabaab.

Ciidamadani huwanta ah oo shalay ka ruuqaansaday deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug islamarkaana ku wajahnaa degmada Xarardheere ee Gobolkaasi ayaa la sheegay in dagaal uu ku qabsaday deegaanada u dhexeeya Camaara iyo Xarardheere sida Caad iyo Ceelhuur.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug.

Ma cadda khasaaraha dhankooda ka soo gaaray Al Shabaab dagaalkaasi iyadoona la soo warinayo in Ciidamdii huwanta ahaa ee weerarka ku qaaday deegaanadaasi ay dib u soo gurteen kuna soo laabteen deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Saraakiisha Ciidamadaasi horkeceysa waxa ay sheegayeen in howlgalkooda uu yahay mid gebi ahaan Gobolka Mudug ay uga sifeynayaan Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300