Published On: Wed, Feb 15th, 2017

Trump ‘oo todobaadyo ka hor’ sii ogaa arrimaha Flynn

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sii ogaa in dhibaato ka jirtay taleefanadii uu Flynn kula hadlay Ruushka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad.

Waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa dhamaadkii bishii koobaad u sheegtay Madaxweynaha in laga yaabo in Flynn uu marin habaabiyay saraakiisha iyo shacabka Maraykanka, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Waxaa laga dalbaday in uu is casilo saddex todobaad ka dib markii “markii dhaawac uu soo gaarty kalsoonidii lagu qabay”
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray dalabyadii ku aadanaa in baaritaan lagu sameeyo xiriirka uu Flynn la yeeshay Ruushka.

Flyn ayaa sidoo kale la sheegay in ay su’aalo waydiiyeen waaxda sirdoonka ee dalka Maraykanka, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Maraykanku.

Flynn ayaa isu casilay eedaymo la xiriira in uu safiirka Ruushka ee Maraykanka kala xaajooday cunaqabataynada uu Maraykanku saaray ka hor inta uusan xafiiska la wareegin Donald Trump.

Jeneraalkan hore ee ciidammada ayaa markii hore diiday eedaymaha ku saabsan in uu cunaqabataynta kala hadlay danjiraha Ruushka, Sergei Kislyak, madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaana meel fagaare ah ka diiday eedaymahaas isaga oo Flynn u hadlaya
Goormuu Trump si rasmi ah u ogaaday arrintan?

Haddii ay eedaymahani sax yihiin, sharci darro ayay Flynn ku ahayd in uu iskii dublamaasiyadda Maraykanka faraha ula galo isaga oon xil haynin, ka hor inta aan loo magacaabin kaaliyaha ammaanka qaranka ee Trump.

Sally Yates oo ahayd ku simaha xeel ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka ayaa Aqalka Cad uga digtay in xiriirada uu Flynn samaynayo ay u nugul yihiin in ay helaan dad aan loogu talagalin oo Ruushka oo jabsada ama u dhaca, sida uu sheegay Spicer.
Trump oo isla maalintaas lala wadaagay macluumaadka ayaa u arkay in ficiladda Flynn aysan meel ka dhac ku ahayn dharciga, sida uu Spicer sheegay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300