Published On: Wed, Feb 15th, 2017

Qarax ka dhacay Magaalada Baledweyne

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax noociisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay Buundo labaad Magaalada Baledweyne, waxaana dadka ay sheegeen xilliga qaraxa uu dhacaayay inay halkaasi maraayeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom.

Lama oga rasmi ahaan Khasaaraha ka dhashay qaraxan oo soo gaaray kolonyada Amisom ee halkaasi mareysay xilliga qaraxa miinada ah lala bartilmaameedsanaayay.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Afarta Xaafadood ee Magaalada Baledweyne, maadaama xilliga qaraxa uu dhacaayay jawiga uu ahaa mid degan.

Ciidamada Amisom oo aanan ridin wax rasaas ah ayaa la sheegay inay ka gudbeen Buundo labaad, waxaana goobtaasi gaaray Saraakiisha ciidamada Booliska ee Magaalada Baledweyne.

Qof ku sugan magaalada Baledweyne, ayaa Dhacdo.com u sheegay xaalada inay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada Booliska ay sameeyeen baaritaano ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Xoogaga Shabaab, ayaa inta badan waxa ay isku dayaan inay dhibaateeyaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ee ku sugan Gobolada dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300