Published On: Wed, Feb 15th, 2017

Maxaabiis ku jirta Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo baaq u diray madaxweyne Farmaajo

Maxaabiis ka badan kun ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah maxaabiistaan oo la soo xiriiray Idaacadda Mustaqbal.

Maxaabiistan oo isugu jira Askar iyo xubno lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen hay’adaha nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in  lagu xukumay Xukunno kala duwan qaarkoodna loo diiday in ay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay.

Waxaa ay codsi u direen Madaxweynah cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka siidaayo xabsiga islamarkaana uu wax ka qabto xaaladda ay ku suganyihiin hadda.

Waxaa ay sheegeen in Waaliddiinta ku banaanbaxayay Waddooyinka Muqdisho doorashadii Farmaajo kaddib ay yihiin waaliddiintood,sidaas oo kalena madaxweynaha cusub ay kacodsanayaan in uu u dhego nuglaado baaqooda ku saabsan xaaladda ay hadda ku suganyihiin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300