Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Trump oo ‘qiimaynaya Flynn oo kaaliyihiisa ah’

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay “in uu qiimaynayo” xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya jeneraalkaas hore ee shaqada ka fariistay.

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan. Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin
Trump oo weeraray Soomaalida Minnesota
Saxaafadda oo si caro leh ugu jawaabtay Trump
Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay “In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda”.

Hadalka afhayeen Spicer ayaase imanaya waxyar uun ka dib markii Kellyanne Conway oo ka mid ah afhayeennada Aqalka Cad ay sheegtay in Flynn uu “Kalsooni buuxda ka haysto madaxweynaha”. Waa maxay aragtida madaxweynuhu?
Trump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida.

Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa’id ee madaxweyne Trump iyo ra’iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.
Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su’aalo ku waydiin karaan ayaan su’aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri “maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto”.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300