Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Oday Dhaqameed lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo raggii dilay oo baxsaday

Fiidnimadii Isniinta, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon Bashiir Maxamed Cali ku toogtay Suuqa Bakaaraha ee Degmada Hodan, gaar ahaan dhinaca khudaarta lagu iibiyo.

Goobjooge-yaal, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in marxuumku uu ku geeriyooday goobtii lagu weeraray, raggii dilayna ay ka baxsadeen halkaasi.

Wiil yar oo la socday Nabadoon Bashiir Maxamed Cali , ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku dhaawacmay rasaastii lagu dilay marxuumka.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ka hawlgala Suuqa Bakaaraha oo daqiiqado ka dib gaaray halkaasi, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka qaadeen meydka marxuumka.

Allaha u naxariistee Nabadoon Bashiir Xagaley, ayaa xubin ka ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Cadaado.

Ururka Al Shabaab, ayaa billihii ugu dambeeyay beegsi ku haayay ergada soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300