Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Faysal Cali Waraabe oo digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa waxaa uu digniin adag uu hawada u mariyay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Gudoomiyaha oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay isha ku hayaan tallaabooyinka iyo ereyada uu adeegsan doono Madaxweynaha Somaliya, marka ay noqoto dhinaca Somaliland.

Gudoomiyaha, ayaa waxaa ka dhawaajiyay haddii Madaxweynuhu uu ku socdo wadadii Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Siyaad Barre in aanu maanta waxba kaga qaadi doonin Somaliland, sida uu yiri.

Waxaa uu ka digay in Madaxweynuhu ula yimaado arrinta ku aadan midnimada umadda Somaliyeed, iyadoo uu ku goodiyay in dersi ay u dhigi doonaan, haddii arrimo midnimo uu ula yimaado.

Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay in macaan iyo qaraar ay labaduba leeyihiin, haddii qaraar uu Madaxweyne Farmaajo ula yimaadana ay marin doonaan, wadadii ay mariyeen sida uu sheegay Madaxweynihii isaga ka horeeyay, Xasan Sheekh Maxamuud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300