Published On: Mon, Feb 13th, 2017

Goorma ayaa la caleema saarayaa Madaxweynaha cusub

Qaban qaabada munaasibadda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaluya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka socota Muqdisho,waxaana waqto loo qabtay muddada ay dhaceyso xil wareejinta Madaxweynayaasha isku beddelaya talada dalka.

Madaxa qaban qaabada munaasibadda Caleema saarka Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliye ee Kenya Jamaal Maxamed Xuseen.

Munaasibadda ayaa waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Arbacada ah ee soo socoto oo ku beegmeysa sideed maalin kaddib markii ay dhacday doorashadii madaxweyne Farmaajo.

Madaxda Waddamada deriska iyo kuwa kale ee Caalmka ayaa loo diray casuumaad,waxaana la filayaa in ay ka soo qeybgalaan,iyada oo kuwo kalena ay wakiillo u matali doonaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300