Published On: Sun, Feb 12th, 2017

Trump oo waaxda cadaaladda Mareykanka ku tilmaamay mid baaba’day

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hannaanka cadaaladda ee Mareykanka uu yahay mid baaba’ay.
Waa weerarkii ugu dambeeyay ee uu ku qaado garsoorayaasha joojiyay xannibaadii uu saaray todobo dalal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Trump ayaa dadka ka socda dalalka Muslimiinta ay ku badan yihiin ku soo rogay xannibaad dhanka socdaalka ah dhowaan. Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray, wuxuuna soo xigtay wargeys mala awaal sameeyay.

Wargeyska ayaa qoray in 77 boqolkiiba qaxootiga Mareykanka galay ka dib markii xayiraadda la qaaday inay ka yimaadeen todobada dal ee “laga shakisan yahay”.
Trump wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid “aad halis ugu ah Mareykanka”.

Sida Caalamka uu uga jawaabay go’aanka Trump
Maxkamad taageertay dacwadda laga qabo go’aanka Trump Trump ayaa la filayaa in Isniinta uu soo saaro amarro cusub ee dhanka socdaalka ah.

Masaajiddo ku yaal Mareykanka oo loo hanjabay
Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida
Amarka Trump ee qaxootiga siduu u saameyn doonaa Soomaalida? Dhanka kale, Iskuul Islaami ah oo ku yaalla Mareykanka ayaa sheegay in naceybka Trump uu u qabo Muslimiinta ay abuurtay jawi aad u xun.
Iskuulkaas ayaa ka diiday mashruuc dowladda ay siisay oo u jeedadiisu ahayd la dagaallanka xagjirnimada.

Aasaasaha iskuulka Bayanee ku yaalla magaalada Claremont ee gobolka California, ayaa sheegay inay diidaan inay dowladda ka qaataan 800,000 oo dollar.
Jihad Turk ayaa sheegay in lacagtaas ay wax u dhibeyso sumcadooda iyo kalsoonida lagu qabo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300