Published On: Sun, Feb 12th, 2017

Muslimiinta Jakarta oo loogu baaqay inay maayar Muslim ah doortaan

Kumannaan qof oo reer Indonesia ah ayaa isugu tagay magaalada Jakarta, ayagoo Muslimiinta ku baraarujinaya in musharax Muslim dhab ah ay u doortaan Maayarka magaalada.
Maayarka hadda, — Basuki Tjahaja Purnama – waa masiixi asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha, kaas oo dacwad ay maxkamad kaga socoto ka dib markii lagu eedeeyay inuu Quraanka Kariimka ah Aflagaadeeyay.
Mudaharaaddo weli ka socda Indonesia
Dab 23 qof ku dilay doon maraysay xeebta Jakarta
Markale ayuu musharax yahay iyadoo dacwadda ay socoto, waxaana la sheegayaa inay suuragal tahay inuu ku guuleysto doorashada Arbacada. Dadka isu soo baxay waxay ruxayeen boorar iyo calamo, waxaynka ku qeylinayeen “qof Muslim ah doorta”.

Dadka ka qayb galay isu soo baxa ayaa soo jeediyey in loo codeeyo laba murashax oo muslimiin ah oo Purnama xillka kula loolamaya.
Yahya Jammeh iyo madaxda kale ee lagu eedeeyay in ay dheceen hanti
Saameynta uu leeyahay Sheekh Zakir Naik

Dadka qaar ayaa isugu tagay meelo gaar ah si ay ugu duceeyaan musharrixiinta Muslimiinta ah.
Taageerayaasha qaar waxay siteen boorar ay ku qornaayeen “Waxaan doorbidi lahaa hogaamiye muslim ah. waa xaaraam in la doorto qof gaal ah”. Bannaanbax ka dhan ahaa Parnama oo Jakarta ka dhacay bishii December wuxuu isu badalay qalalaase, waxaana ku dhintay hal qof.

Waxaa rabshadadaasi sidoo kale ku dhaawacmay tobanaan qof oo shacab iyo boolis ah.
Mr Purnama wuxuu noqday masiixigii ugu horeeyay muddo 50 sano ah ee maayar ka noqda Jakarta. Wuxuu kala wareegay madaxweynaha hadda Joko Widodo, sanadkii 2014-kii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300