Published On: Sun, Feb 12th, 2017

Kuuriyada Woqooyi oo “gantaal tijaabisay

Kuuriyada Woqooyi ayaa riday madfac ka sameysan caag, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Gantaalka oo la tijaabiyay Sabtidii wuxuu illaa 500km ku duulay badda dhanka Japan, sida madaxda dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ay ku warrameen.

Kuuriyada Waqooyi oo qarka u saaran inay sameysato gantaal riddo dheer
Caro ka dhalatay tijaabada nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi
Trump oo su’aal galiyay in Shiinuhu uu hal dal yahay
Maamulka Pyongyang wuxuu sameeyay dhowr tijaabo nukliyer ah sanadkii la soo dhaafay.

Tijaabada joogtada ah ee dalkaas uu ku sameynaayo madaafiicda ridada dheer iyo nukliyerka iyo wararka carada leh waxay digniin u direysaa kana xanaajineysaa dalalka gobolka ku yaalla.

Tijaabada ugu dambeysay waxaa laga sameeyay saldhigga ciidamada ee gobolka Pyongan, ee dhanka gacanta Kuuriya.

Sarkaal ka mid ah militariga Mareykanka ayaa Wakaaladda Reuters ay ka soo xigatay in Washington “ay xaqiijin karto inay heleen gantaal laga soo riday dhanka Kuuriyada Waqooyi”.
Kullan dhanka amniga ah oo degdeg ah ayey Kuuriyada Koonfureed ka yeelaneysaa tijaabadaas ay sameysay Kuuriyada Woqooyi.

Xafiiska Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa tijaabadaas ku tilmaamay “is muujin dhanka awoodda ah”.
Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya
K/Waqooyi oo “tijaabin rabta nukliyeer kale”
Trump oo quursaday in Kuuriyada Waqooyi ay samaysan karto gantaal riddo dheer
Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay bishii Janaayo in dalkiisa uu ku dhowyahay tijaabinta gantaal riddo dheer oo qaadi kara madaxyada nukliyerka.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka James Mattis oo isbuucii tagay booqday Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in is ticmaalka nukliyerka ee Waqooyiga Kuuriya in laga bixin doono “jawaab wax ku ool ah oo xad dhaaf ah”.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in qalabka difaaca gantaalada ay Mareykanka sanadkan dhammadkiisa geyn doonaan Kuuriyada Koonfureed.
Woqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii tagay sameysay shan tijaabo oo nukliyer ah.

Waxay sheegtay inay hadda awoodda inay weerar nukliyer ay ku qaadi karto dhulka Mareykanka.
Laakiin khubarada ayaa muujinaya shaki ah in awood tiknolojiyadda ee dalkaas inay heerkaa gaarsiisan tahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300