Published On: Sun, Feb 12th, 2017

Axmed Daaci: “ilaaladeyda wixii ay geysteen hoos ayaan u xallinayaa

Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow ayaa ilaalo isaga la socotay waxaa ay shala gelinkii dambe labo qof ku dhaawaceen Waddada Maka Al-Mukarrama ee Muqdisho.

Axmed Daaci iyo ilaaladiisa ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir,halkaas oo u dhow goobta ay falka ka geysteen.

Waxaa uu Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir sheegay in Saldhigga Degmada Waabari damiin kaga sii daayay Askarta ilaalada u ahayd ee dhaawacday labo qof oo saarnaa Gaari ay kala shakiyeen.

Waxaa uu intaas ku daray in Taliyah Saldhigga Booliska ee Degmada Waabari uu kala hadlay siideynta ilaalada sidoo kalena uu si hoose u dhameynayo wixii khasaare ah ee ka dhashay kala shakiga ay ilaaladiisa ku dhaawaceen labo qof oo saarnaa Gaari ay wada marayeen Waddada Maka Al-Mukarrama.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300