Published On: Sat, Feb 11th, 2017

Trump oo wacad ku maray inuu ku guuleysan doono dagaalka Maxkamadda ee xannibaadda socdaalka

Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay “in uusan shaki kujirin” in maamulkiisa uu ku guuleysan doono dagaalka dhanka sharciga ka socda ee ku saabsan xayiraadda socdaalka.
Shir jaraa’id oo ay qabteen Trump iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayuu Trump ka sheegay in tallaabada lagu soo celinayo la dedejinayo, uuna soo rogi doono isbuuca soo socda, “tallaabooyiin dheeraad ah oo dhanka amniga ah”.

hadalkaas wuxuu jeediyay ayadoo qareenada Virginia ay maxkamadda u sheegayaan in sharciga Trump “uu ka dhashay naceybka uu u qabo Muslimiinta”. Khamiistii, Maxkamad racfaan ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ku guuldareystay inuu “cadeyn bixiyaan” si ay qiil ugu raadiyaan xannibaadda.
Amarka Trump ee qaxootiga siduu u saameyn doonaa Soomaalida?
Sacuudiga oo taageeray xayiraadda socdaalka ee Trump
Facebook iyo Google oo ku biiray dacwadda ka dhanka ah amarka Trump
“Waxaan dooneynaa inaan dalkeena nabad ka dhigno, waxaan sameyneynaa waxkastoo lagama maarmaan ah si dalka uu amni u sii ahaado,” ayuu yiri Mr Trump.

“Waxbaan si degdeg ah u sameyndoonnaa oo tallaabooyiin amni oo dheeraad ah ay ka mid yihiin, wax cusub ayaad isbuuca soo socda arki doontaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
“Waxaa intaas dheer, waan sii wadi doonnaa haddaanka maxkamadda, ugu dambeynna waan ku guuleysan doonnaa kiiska.”

Mr Trump ma uusan cadeynin waxa uu ula jeedo “tallaabooyiin dheeraad ah”, balse wuxuu ka jawaabayay su’aal weriye uu weydiiyay oo ku saabsanayd inuu qorsheynaayo inuu amarro cusub soo saarayo.
Muxuu yahay kiiska Virginia?
Waxa uu ka mid yahay dacwooyiin kala duwan oo loo gudbiyay maxkamadaha federaalka ee Mareykanka oo lagula dagaallamayo tallaabada Trump uu xayiraadda socdaalka ku saaray todobo dal oo Muslimiin ah.
Afhayeenka Xeer ilaaliyaha Virginia Mark Herring, wuxuu sheegay inay arrinta noqon karto “Kiis siqoto dheer loo eegayo doodda ku saabsan saameynta xayiraadda”.

Sawirro: Waayihii ay soo mareen Clinton iyo Trump
Madaxa Uber oo iska casilay xil uu Trump u hayay
Dacwadda waxaa si guud diiradda lagu saarayaa xannibaadda uu Trump soo rogay, ayadoo aan la eegeyn arrinta gaarka ah ee Afarta bilood lagu xannibay qaxootiga.
Garsooraha dhageysanaya dacwadda waxaa magacaabay Madaxweynihii hore Bill Clinton, sanadkii 1993-dii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300