Published On: Fri, Feb 10th, 2017

Trump oo ku guuldarraystay soo celinta xayiraaddii socdaalka

Maxkamadda racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka todobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.

Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aysan hor istaagaynin go’aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka madaxweynaha.

Trump oo arrintaas ka jawaabaya ayaa isaga oo caraysan Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro uusanna sidaa uga hari doonin oo uu sharciga adeegsan doono.
Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aysan cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay.

Toban hadal oo laga hayo Donald Trump
Sagaashan qof oo Soomaali ah oo Mareykanka laga soo tarxiilay
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in qof ajnabi ah oo dalalkaas ka soo jeeda uu fal argagixiso ka fuliyay gudaha Maraykanka.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay diiday doodii ahayd in madaxwaynuhu uu kaligii xaq u leeyahay in uu dajiyo siyaasadaha socdaalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300