Published On: Fri, Feb 10th, 2017

Somaliland “Dib ha loo bilaabo wada hadalada Somaliya”

Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo looga baahan yahay in uu dib u soo celiyo wada hadalada Maamulka Somailand iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu ka taxadaro in uu si qaldan u maro wada hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamulka Somaliland uu soo dhaweynayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in fara gelin shisheeye laga Madax banaaneeyo wada hadalada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Madaxweynaha Cusub looga baahan yahay in uu cashar ka barto qaladaadka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsana wada hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka.

Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ayaa dhowr mar ku wada hadlay Dalka Turkiga, Waxaana kulamadaasi ay noqdeen kuwo aan guul laga gaarin maadaama labada dhinac heshiiska ay wada gaareen uusan dhaqan gelin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300