Published On: Fri, Feb 10th, 2017

Beesha Caalamka oo balan qaaday la shaqeynta Madaxweynaha Cusub

Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin la shaqeynta Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahu Farmaajo.

Bayaan ka soo baxay Saaxiibada Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen Dowladda cusub iyo Shacabka Soomaaliyeed , sida ay uga hortagi karaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka wada xaajooday wax ka qabashada amaanka Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Siyaasiyiin Soomaaliyeed looga baahan yahay la shaqeynta Madaxweynaha cusub ee Dalka, si looga gudbo caqabadaha jira.

Bayaankan ayaa lagu qeexay in ay muhiim tahay in wada hadal nabadeed laga dhex bilaabo beello is-khilaafsan, si loo xaliyo tabashadooda.

Saaxiibada Soomaaliya sidoo kale waxey soo dhaweeyeen horumarka muuqda ee Dalka uu gaarsiiyay Madaxweynihii hore ee Dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakilka Gaarka ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa waxuu shaaca ka qaaday in laga mamaarmaan ay tahay in la dhiso kalsoonida gudaha iyo dibadda.

Ugu dambeyn, Danjire Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guushii uu ka gaaray doorashada Madaxtinimo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300