Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Xildhibaanada iyo Suxufiyiinta oo lagu baarayo Xalane

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa ku jira liiska baaritaanka Xubnaha ka qaybagalaya Doorashada Madaxweynaha dalka oo lagu baarayo xarunta Xalane ee ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Xerada Xalane ee doorashada ka qaybgalaya Baaritaan adag ayaa dhamaan xubnaha galaya xarunta doorashada lagu marsiinaya Xerada Xalane, kadibna waxaa loo qaadayaa xarunta doorashada ay ka dhaceyso ee dhabarka dambe ee Xarunta ciidamada Cirka ee Afisiyooni.

Suxufiyiinta iyo Xildhibaanada ayaa ku jira liis dheer oo istaag ah, halkaasi oo mid kasta lagu baarayo, kadibna loo gudbinaayo basas meesha taagan oo qaadaya dadka, geynayana xarunta doorashada.

Saacadihii ugu dambeeyay doorashada Somaliya ayaa lagu guda jiraa, waxaana la filayaa in goor dhaw doorashada si rasmi ah uga bilaabato xarunta loogu talo galay.

Ammaanka guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka, kuwa lugeynaya, halka kuwa guryaha jooga intii heli kartana ay daawanayaan Tv-yada.

Saacadaha soo socda Somaliya waxaa loo rajeynayaa inuu u dhasho Madaxweyne cusub oo hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300