Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo ku horeeyay cododka wareega 1aad

 

Waxaa goor dhow soo gaba gabowday wareega koowaad ee tirinta cododka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha, iyadoo afar Musharax ay noqdeen kuwo ugu codka badan oo laga yaabo inay u soo gudbaan wareega labaad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeeyay cododka, isagoo leh 88 cod, waxaa ku soo xiga Maxamed C/llaahi Farmaajo 72 cod, Shariif Sheekh Axmed ayaa leh 49 cod, halka Cumar C/rashiid uu helay 37 cod.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu shaaciyo natiijada doorashada iyo afarta musharax ee ugu codka badan, waxaana muuqata is bedel badan, iyadoo Musharaxiinta ay yihiin kuwo aad isku haya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada cododka wareegii koowaad, waxaana wareega labaad u soo gudbaya afarta musharax ee ugu horeeya

Lama oga sida xaalka isu bedeli doono, hase ahaatee waxaa muuqata inuu dhacay is bedel aan la fileyn iyo sidii markii hore ay aheyd saadaalinta

Sida ay u kala horeeyaan Musharaxiinta ee cododka ka helay wareega koowaad:-

1- Xasan Sheekh Maxamuud 88 cod

2- Maxamed C/llaahi Farmaajo 72 cod

3- Shariif Sheekh Axmed 49 cod

4- Cumar C/rashiid 37 cod

5- C/qaadir Cosoble Cali 25 cod

6- Saciid C/llaahi Deni 18 cod

7- Caddow Cali Gees 14 cod

9- C/raxmaan C/shakuur Warsame 9 cod

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300