Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Weerar Saakay lagu qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Dableey ku Hubeysan Qoryaha Fud fudud ayaa Saakay Waabarigii Weerar ku qaaday Hoteel lagu Magacaabo International Village oo ku yaalla Galbeedka Magaalada Boosaaso.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dableey ka kooban Shan oo la aaminsan yahay in ay yihiin Shabaab ayaa Gudaha u galay Hotelka International Village,waxaana la sheegay in ay Toogasho ku dileen Qaar kamid ah Illaaladii Hotelka Joogtay.

Sidoo kale Goobjoogeyaashu waxaa ay sheegeen in Ciidamada Puntland oo Goobta soo gaaray ay Dileen Labo Kamid ah Dableeydii Hotelka galay,iyadoo ay ku jiraan kuwii kale Howlgalkuna uu weli socdo.

International Village ayaa waxaa degen sida la sheegay Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Mas’uuliyiin horay Xilal uga soo qabtay Puntland.

Dadka la Xaqiijiyay in ay Hotelka Degen yihiin waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan.

Laamaha Amniga Puntland weli kama hadlin Howlgalka ka socda International Village oo ay ka dhex dagaalamayaan Dableey loo badinayo in ay yihiin Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300