Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Ururka Midowga Africa oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah.

Danjiraha Ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francesco Madera yaa sheegay in ay u baahan yihiin  Ciidamada AMISOM taageero dheeraad ah.

Waxa uu danjiruhu carabka ku adkeeyay in Ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin Qalab Dagaal oo casri ah si ay uga hortagaan weerarada Ururka Al Shabaab.

Hadalka Wakiilka Ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francesco Madera ayaa imaanaya iyadoo Al Shabaab ay xoojiyeen weerarada ay ka geystaan dalka Soomaaliya.

Waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhanka ahaa Xerada Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow oo dhaca Gobolka Jubadda Hoose , kaas oo Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen 57 Askari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300