Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Taariikh nololeedka Madaxweyne cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo


Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku guuleystey tartankii Madaxtinimada Soomaaliya asagoo wareegii labaad heley 184 cod, Xasan Sheekh Maxamud oo heley 97 cod iyo Shariif Sheekh Axmed oo asagana heley 46.

Madaxweynaha cusub ayaa horey u noqdey rax’iisul wasaare ee dowladii KMG oo uu madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmned. Intii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu amaaney inuu ahaa nin wadani ah oo dalkiisa daacad u ah. Waxaa kaloo lagu amaaney inta uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in dowladiisa si jooto ah u bixin jirtey mushaharooyinka ciidamaha iyo shaqaalaha dowlada.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa si farxad leh ugu dabaaldegayaa doorasha Madaxweyne Farmaajo, waxaa sidoo kale magaalada laga maqlayaa rasaas ay tuurayaan ciidamada taasoo ay ku muujinayaan farxadooda.

Taariikh nololeedka Madaxweynaha cusub:

Sanadkii 2010 Wuxuu noqdey rax’iisul wasaare ee dowladii KMG oo uu madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmned.

Madaxweynaha cusub ee la doortey waxa uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurabaha, gaar ahaan dalkan Maraykanka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka.

Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishii April 1962-dii.

Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.

Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha.

Isagoo agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii ilaa wakhtigan uu ka shaqeynayay.

Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.

Intii uu burburku dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu inta badan ku noolaa dalkan Maraykanka.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300