Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Muhaajiriin U Badan Somali Ka Tegtay Maraykanka Oo Iska Dhiibay Kanada


22 Muhaajiriin u badan Somali ayaa la sheegay inay socod kaga gudbeen Xuduudka Maraykanka, si ay u gaaraan dalka Kanada, kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka soo rogay Amarka Socdaalka.

Hadal ka soo baxay Boliska Kanada ayaa lagu sheegay inay Muhaajiriintaasi soo galeen safar dhinaca dhulka si ay u soo gaaraan Kanada, xilli uu Qabowga dalkaasi ka hoos maray -20 degress Centigrade.

19 ka mid ah Muhaajiriintaasi waxay Kanada gaareen Sabtidii la soo dhaafay, halka 3 kalena ay Xuduudka Kanada ka tallaabeen, kadib, markii ay 5 saacad soo lugeynayeen. Waxay u sheegeen Warbaahinta Gudaha ee Kanada inay Maraykanka uga soo carareen Amarkii uu Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay dadka u dhashay dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Iran inaysan soo geli karin Maraykanka. Dhinaca kale, waxay sheegeen inay rajo wanaagsan gelisay markii Wasiirka cusub ee Socdaalka ee dalka Kanada loo magacaabay Ahmed Hussien oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300