Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar-weyne C/laahi Sahal Ibraahim Gardhuub oo Xalay Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Ibraahim Gardhuub.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay isla markaana Xalay uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale Waxaa Wararku ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu Wadnahu Istaagay sidaana uu ku dhintay.

Duqa Muqdisho ayaa Ka Tacsiyeeyey Geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Weyne C/llahi Sahal Gardhuub, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho,inkastoo ay Wadooyinku u Xiran yihiin Arrimaha Doorashada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300