Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Saacado ka dib ka bilaabaneysa Muqdisho

Saacado kadib waxaa Xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Afisiyoone ka bilaaban doonta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku baratamayaan illaa 22 Musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha Hadda Talada Haya Xasan Sheekh Maxamuud.

329 Mudane oo isugu jira Labada Aqal Ee Barlamaanka ayaa Codka siin doona Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelan doonto Afarta Sano ee soo socota.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Doorashada ay bilaaban doonto Siddeeda islamarkaana ay rajeynayaan in ay u dhacdo Si Hufan oo Caddaalad ah.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Xiran Guud ahaan Wadooyinka Muqdisho.

Sidoo kale Saaka waxaan shaqeyneyn Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo Duulimaadyadii laga Xanibay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300