Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay doorashada madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa wuxuu ka hadlay doorashada maanta lagu wado in ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.

Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa arrin dadka iyo dalkuba u baahan yihiin ku sheegay in la soo doorto madaxweyne, hadhow soo xulan kara Ra’iisal Wasaaraha soo xusha Gole Wasiiro oo tayo leh.

“Doorashadu waxaan leeyahay waa muhiim weeye in la’is doorto, oo qof xilka qaadi kara, asaguna hadhowto soo xusha dad fiican, oo Ra’iisal Wasaare iyo Wasiiro soo xusha la doorto. Arrin loo baahan yahay oo dalka iyo dadkuna u baahan yihiin weeye, ummada Somaliyeed-na dan u ah.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay VOA, lana weydiiyay rajada uu ka qabo dowlad amniga hanata oo Somaliya yeelato, ayuu sheegay in rajadiisa ay aad wayn u tahay.

“Aad iyo aad bay u wayn tahay, Ilaahay rajo wayn baan ka qabnaa, oo marka u horeysa nabaddu inay soo noqoto, dalkuna deggo waxay ka imaan kartaa Rabigay (SWT), oo ciqaabta na haysa naga qaado in la baryo, oo umadda Somaliyeed oo dhami barido. Qaasatan culimada iyo qof walbaaba, Faataxada qofkii yaqaano inuu Ilaahay inta uu baryo, Ilaahow wixii culeys ah oo na haysto naga qaad inuu yiraahdo. Marka ku xigtana umaddu inay is afgarato, gacmaha is qabsato, walaalowdo, dilka iyo fitnada iska dayso.” Ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Laba iyo labaatan musharax, ayaa waxaa hadda la’ogyahay in ay u sharaxan yihiin jegada madaxtinimada dalka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemay baaxadda ololaha ay ka wadaan

Doorashadan, ayaa waxaa ugu cad cad musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, C/qaadir Cosoble Cali iyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300