Published On: Tue, Feb 7th, 2017

Waaxda cadaaladda ee Maraykanka oo taageertay xayiraaddii socdaalka

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa difaacday xayiraadihii dhanka socdaalka ee madaxwayne Donald Trump, waxayna ku baaqday in maxkamadda racfaanku ay ayiddo go’aankaas iyadoo fiirinaysa danta amaanka qaranka.

Qoraal 15 bog ka kooban ayay ku faahfaahisay in “in go’aanka madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay” isla markaasna uusan ka dhignayn in Muslimiinta la mamnuucay.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya todobo dal oo Muslimiin ah.

Racfaankan ayaa loo qoondeeyay in la dhagaysto Arbacada si loo diido ama loo soo celiyo oo uu u dhaqangalo.
Racfaankan ayaa la geeyay maxkamad racfaan oo fadhigeedu yahay San Francisco iyadoo ay jawaab u tahay amarkii Trump ee uu joojiyay Jimcihii xaakim ku sugan gobolka Washington.

Xukuumadda US oo racfaan ka qaadatay xukunkii la isku hortaagay amarkii Trump ee tarxiilka ahaa
Trump oo xaakim cusub u magacabaay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka
Xaakimkaas ayaana ku baaqay in mamnuucitaanka madaxweynuhu uusan dastuurka waafaqsanayn uuna waxyeelo u keensanayo danaha Maraykanka.

Arrintaas ayaana sababtay in ay awoodaan in ay markale dalka Maraykanka u safraan dadka haysta dal ku galka saxda ah ee ka soo kala jeeda Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya, Iiraan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee waaxda cadaaladdu ku doodayso:
Madaxweynaha ayaa ugu mudan in uu qaato go’aanada ammaanka qaranka
In ay “khalad tahay” in go’aankan lagu sheego in Muslimiinta la mamnuucayo maadaama todobadaas dal loo xusay halista argagixiso ee ka jirta.

Sidaas daraadeed in amarku uu “dhexdhexaad yahay uuna ixtiraamayo diinta”
Dalalka xulafada ah in aysan xaq u lahayn arrintan
Jahwareer ka dhacay garoomada diyaaradaha.

Go’aanka uu soo saaray madaxweynaha Maraykanka 25kii bisha koobaad ayuu kaga dhabeeya balanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada, markaas oo uu sheegay in uu sare u qaadi doono xayiraadaha dadka soogalaya Maraykanka.

Qodobada ugu muhiimsanaa amarka:
In soo gelitaanka Maraykanka laga mamnuuco dadka u dhashay Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya, Iiraan.
In si ku meelgaar ah loo xayiro dhamaan qaxootigii uu Maraykanku qaadan lahaa
Ahmiyadda in la siiyo diimaha laga tiro badan yahay (waxaa loo fasiray dadka Kiristaanka ah) ee qaxootinimo dalbada
In la mamnuuco dhamaan qaxootiga Suuriya ka imanaya
Jahwareer ayay arrintaasi ka dhalisay gudaha Maraykanka iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah markii ay noqotay in la dhaqangeliyo, si wayn ayaana loo cambaareeyay, inkastoo dadka Maraykanku ay ku kala qaybsameen sida ay u arkaan arrintaas, marka la fiiriyo araada laga aruuriyay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300