Published On: Tue, Feb 7th, 2017

Cali Khaliif: “Puntland awalba col ayaan ahayn,iyadaaan Buuhoodle dhib ka wadda

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr oo ku sugan dalka Jabuuti,ayaa sheegay in maamulka Puntland uu dhibaato ka hurinayo degaannada Maamulka Khaatumo ee Sool iyo Sanaag.

Cali,oo habeen hore ku hoyday Burco,shalayna ka dhoofay hargeysa ayaa sheegay in Saraakiil taabacsan Maamulka Puntland ay dorraad ka hor istaageen in uu ka dhoofo Buuhoodle.

Cali Khaliif ayaa Jabuuti uga qeyb galaya wajiga 2aad ee Shir u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland,waxaana uu sheegay in aayaha Khaatumo uu u joogo Jabuuti.

Maamulka Puntland ayuu sheegay in ay awalba col lahay Khaatumo isagana uusan u arag culeys gaar ah,sidaas darteedna ay puntland u wanaagsan tahay in ay ka harto arrimaha Khaatumo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300