Published On: Wed, Feb 1st, 2017

Xildhibaan maanta lagu dooranaayo Magaalada Baydhabo

baydhabo

Kursi ka mid ah 5 kursi ee dib ay u celiyeen guddiga khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta doorasho ku celis ah loogu sameynayaa dowlad goboleedka Konfur.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta Beesha Macallin weyne, ayaa 10-kii,November, waxaa cod aqlabiyad ah u koo baxay Sheikh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka guuleystay Xaliimo Maxamed Cabdi oo iyadu xilligaa aan wax cod ah ka helin ergadii doorashada ka qeybgashay.

Kursiga ayaa dib loo celiyay kadib markii qaabka doorashadiisa lagu tilmaamay mid aan sifo sharci ah u dhicin, iyadoo guddiga khilaafaadku ay kursigan ku dareen kuraas dhowr ah oo la laalay.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada, islamarkaana Ergada Beesha Macalin weyne ay soo doortaan Xildhibaanka ay doonayaan.

Maalintii shalay ayaa waxaa dib loo doortay Cabdi Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa xubnihii 5 ahaa ee dib ay u celiyeen guddiga khilaafaadka doorashooyinka dadban, horyana ay u laaleen doorasho uu ku soo baxay, waxayna doorashadiisa ka dhacday Magaalada Garowe.

Ka hor Doorashada Madaxweynaha dalka ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo soo dhameystiro Xubnaha Golaha Shacabka inta ka dhiman.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300