Published On: Wed, Feb 1st, 2017

Le Pen oo diiday in ay celiso lacagaha Midawga Yurub


Hogaamiyaha xisbiga Midg fog Marine Le Pen ayaa sheegtay in aysan u celin doonin Baarlamaanka Yurub 321,000 oo doolar oo la sheegay in ay si khalad ah u isticmaashay.

Baarlamaanka ayaa sheegay in ay si khalad ah u isticmaashay lacagta ay siisay qof ka shaqeeya xafiiska ugu wayn ee xisbigeedu ku leeyahay magaalada Paris.

Haweenaydan oo u sharaxan madaxweynenimo ayaa sheegtay in ay dhibane u tahay aarsi siyaasadeed.
Le Pen ayaa haysata ilaa saqda dhexe ee Talaadada si ay lacagtaas u soo celiso.

Haddii aysan sidaa yeelina baarlamaanku wuxuu sheegay in uu haysan doono kala bar mushahaarkeeda xubinimada Baarlamaanka Yurub ayna sidoo kale waayi doonto gunooyinka kale ee ay hesho.

Faransiiska: Le Pen oo sheegtay in guusha Trump horseedayso in iyadana la doorto
Mucaaradka Faransiiska: Soogalootiga yaan waxbarasho bilaash ah la siinin
Le Pen ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad doorashada madaxweyne nimada ee loo balan sanyahay bisha afraad iyo tan shanaad.

Ra’yi aruurinta la sameeyay waxay muujinayaan in ay u badan tahaya in ay isu soo haraan iyada iyo Francois Fillon oo u tartamaya xisbiga muxaafiska ah ama Emmanuel Macron.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300