Published On: Wed, Feb 1st, 2017

Kenya oo sheegtay dagaalyahano Tanzania iyo Kenya u dhashay inay qayb ka ahaayeen weerarkii Kulbiyow

alhabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin gudaha Somaliya in ay ka qeyb qaateen dhalinyaro u dhashay Kenya oo ku biiray Al-Shabaab.

Waxa ay dowladda Kenya ay sidoo kale sheegtay in weerarkii lagu qaaday Saldhigii Ciidanka dowladda Kenya ee deegaanka Kulbiyow ay ka qeyb qaateen dagaalyahano ku jira Al-Shabaab oo ka soo kala jeedda dalalka Kenya iyo sidoo kale Tanzania.

Weerarka oo Qaraxyo loo adeegsaday ayay dowladda Kenya ay sheegtay in ay fuliyeen dhalinyaro Kenyaan ah , islamarkaana kadib ay dagaal toos ah ay bilaabeen dagaalyahanada Somalida.

Sida laga soo xiganayo Hay’adda ammaanka dowladda Kenya dagaalkii Kulbiyow waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 500 oo Askari oo Shabaab ka tirsan , waxaana badankood ay kasoo jeedaan dalalka Kenya iyo Tanzania.

“Qof kii ugu horeeyay ee waday Gaarigii lagu Qarxiyay Saldhiga ciidanka , waxa uu ku hadlaayay luuqadda Sawaaxiliga ee looga hadlo Kenya.” Sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Kenya.

Shabaab ayaa shalay Warbaahintooda ku soo bandhigay Sawirada weerarkii ka dhacay Degmada Kulbiyow, taasi oo muujinaysa Khasaaro xoogan oo weerarkaasi ka soo gaaray ciidamada Kenya.

Al-Shabaab ayaa jimcihii la soo dhaafay waxa ay weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ay dileen tiro ka mid ah ciidanka dowladda Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300