Published On: Wed, Feb 1st, 2017

Ex Xildhibaan Weekiyo oo soo dhaweeyay Go’aankii Donald Trump ee Mamnuucida Qaxootiga

6360489455192162291563850737_Trump-696x464

Ex  Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xasan Weekiyo oo ka mid ahaa Xildhibanadii KMG ee dalka soo maray oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay go’aanki dhawaan Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu kumamnuucay Qaxootiga 7 Dal oo dadkooda ay Muslimiin yihiin oo Soomaaliya ay ku jirto.

Masuulkaan ayaa go’aankaas waa uu ku tilmamay mid Wanaagsan islamarkaana Soomaalida Xayiraadda la saaray iyo kua Damacoodu yahay in ay u safraan dalkaasi ay ku soo laabtaan Dalkooda.

Sidoo kale Ex Xildhibaan Weekiyo ayaa xusay in marka hore loo baahan yahay in Soomaalidu ay gartaan  in Madaxweynaha Maraykanka ee go’aankaas soo saaray uu isagu leeyahay dalkaas ayna ka fikiraan in Dalkooda Hooyo  in ay dhistaan kuna soo dabaalaan Nabad Gelyo  ay waxtar u yeelan doonto.

Go’aanka Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Donald Trump ee Mamnuucida Qaxootiga Muslimiinta ayaa si weyn u saameeyay Dad fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo Qaxooti ku ah Dalka Maraykanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300