Published On: Wed, Feb 1st, 2017

Booliska Cadaado oo qabtay Nin Kufsi u geystay Gabar lix jir ah

galmudug-620x330

Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 21-aad ee Gobolada dhexe ka howlgasha kaas oo lagu Eedeeyay inuu Kufsi u geystay Gabar Lix Sano jir ah.

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gabadha yar lagu kufsaday Guri ku yaalla Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug.

“Alle ayaa Mahad leh Hadda gacanta ayaa lagu hayaa Dambiilihii Sharciga ayaana la marsiin doonaa, 30 Nin ayaa haddaii lagu dhex daray ayaa la yiri ka soo saar Gabadhii yareyd ee la Kufsaday weyna Aqoonsatay oo waa ay soo saartay,haddana Booliska Galmudug ayuu u Xiran yahay”ayuu yiri Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300